BAYDHABA (DAYNIILE.COM)-Xubno ka mida Gudiga madaxa-banaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo soohdimaha ayaa goor dhaw ka degay garoonka diyaaradaha Magaalada Baydhaba ee xarunta Maamulka Koour-galbeed.

Xubnahaan waxaa garoonka ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowlad goboleedka Koonfur Galbeed kadibna waxay u galbiyeen madaxtooyada maamulka K/galbeed.

Advertisement

masuuliyiinta ka socda Gudiga doorashooyinka waxay magaalada Baydhabo u tageen dardargelinta doorashooyinka Dowlada Somaia qorsheyneyso ee qof iyo codka ah kaasoo la filayo in dalka ay ka dhacdo marka uu dhamaado muda xileedka Dowlada hada jirtA.

Dadaalka Dowlada iyo gudiga doorashooyinka ayaa ku soo aadaya xili dhanka siyaasiyiinta mucaaradka ay ka imaanayaan diidmo xooggan iyagoo sheegaya inaan waqtigaan la qaban karin doorasho qof iyo cod ah sababo xaalada dalka ka jirta ay u sababayeen sida amniga oo kale,sidoo kale madaxda sare ee dalka ayay ku eedeynayaan inay rabaan doorasho ay kaliya isku caana shubayaan si ay talada dalka ugu soo laabtaan.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

May be an image of 3 people and textMay be an image of 8 people, suit and aircraftMay be an image of 4 people, aircraft and textMay be an image of 3 people and aircraftMay be an image of 7 people and textMay be an image of 8 people, helicopter and suitMay be an image of 6 people, wrist watch, suit and helicopter
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here