MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Baashe Yuusuf Axmed oo ah Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee dalka iyo wafdi uu hor-kacayo ayaa maanta safar shaqo u aaday dalka Shiinaha.
Gudoomiyaha warar ku dhaw dhaw ayaa sheegaya inuu Shiinaha kaga qayb gali doono shirka Guddoomiyeyaasha Maxkamadaha Sare kaasoo u dhexeeya Afrika iyo Shiinaha.
Shirka ayaa diirada lagu saari doonaa horumarinta Garsoorka iyo iskaashiga Garsoorka Afrika iyo Shiinaha
Guddoomiye Baashe Yuusuf ayaa inta uu dalka Shiinaha joogo wuxuu sidoo kale kulamo goos goos ah la qaadan doonaan masuuliyiinta dhigiisa ah ee ka qeybgalaya Shirka.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM
Advertisement