Sida lagu shaaciyay Warbaahinta Dowlada Somalia Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka mudane Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa dalka Japan u tagay arimo shaqo.
Guddoomiyaha wuxuu Dalka Japan kula kulmay madax sare oo ka tirsan hay’adda iskaashiga caalamiga ah ee Japan (JICA).

Agaasimaha hay’adda iskaashiga caalamiga ah ee dowladda Japan qeybta Africa Momita Yasuki ayaa guddoomiyaha uga warbixiyay mashaariicda ay hay’addooda ka waddo Soomaaliya, dhinaca kale Guddoomiye Maxamuud Macalin ayaa hay’adda ka dalbaday in laga caawiyo dhisidda xarumaha gurmadka degdega ah ee maamul goboleedyada iyo kor u qaadidda aqoonta dhammaan shaqaalaha hay’adda maaraynta musiibooyinka.
May be an image of 2 people, suit, newsroom and textMay be an image of 7 people, newsroom and text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here