Guddoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, isagoo ku hadlaya magaca Aqalka Sare iyo kiisaba wuxuu hambalyo ku aaddan aqoonsiga Xeer Ciise u dirayaa dhammaan Ummadda Soomaaliyeed, maadaama Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dhaqanka ee UNESCO ay si rasmi ah u aqoonsatay Xeer Ciise inuu yahay xeer Caalami ah.
Aqoonsigan taariikhiga ah ee Xeer Ciise, ayaa lagu salleeyay sida xeerkan uu u mideeynayo bulshooyinka, una dhowro dhaqanka Soomaaliyeed islamarkaana u dhiirrigelinayo dowlad-wanaagga iyo iskaashiga, isagoo sidoo kale wax ka qabanaya caqabadaha maanta, sida xallinta khilaafaadka iyo dhowridda dhaqanka, afka iyo deegaanka.
Guddoomiyuhu wuxuu u mahadceliyay Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Dhaqanka ee UNESCO iyo dhammaan cid walba ka qayb qaadatay kana shaqaysay in Qaramada Midoobay ay Xeerkan ku darto xeerarka dhaqan ee caalamiga ah.
DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Dadwaynaha
Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS.
Advertisement