MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Guddoomiyaha Baalamaanka Soomaaliya Sh.Aadan Maxamed Nuur Madoobe iyo wafdi uu hor kacayo ayaa maanta u safray Magaalada Nairoobi ee Xarunta Dalka Kenya.
Warar ku dhaw dhaw safarka Gudoomiyaha ayaa sheegaya inuu Nairoobi kaga qeybgei doono shir ay leeyihiin Gudoomiyayaasha Baarlamaanada wadamada ku jira Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Africa (EAC).
Shirkaan ayaa sida la sheegay diirada lagu saarayaa xalinta caqabdaha hortaagan horumarinta Ajendayaasha urur Goboleedka Bariga Afrika.
Shirkaan oo berito furmaya waxaa lagu wadaa inay soo xaadiraan dhamaan gudoomiyayaasha Baarlamaanada Bariga Afrika,halkaasoo sida lagu wado la isku dhaafsan doono afaarta madaxda isu imaaneysa.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
May be an image of 2 people
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here