Warar ku dhaw dhaw dhanka Dowlada Somalia ayaa lagu shaaciyay in ciidamada Milatariga Somalia ay howlgalo ka fuliyeen deegaano isku xira gobolada Bay,Gedo iyo Bakool.
Howlgalka oo uu horkacaayay Taliyaha Ururka 47-aad Ee Guutada 8aad Qeybta 60aad Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka somaaliyeed X/le Ahmed maxamed nuur (Ahmed Dhagey) ayaa lagu galay goob Alshabaab Caruurta ku askareyn jireen.
Deegaanada ciidamadu gaareen ee ay howlgalka ka fuliyeen waxaa lagu kala sheegay Degaanka Mooro Bus, Barbaar Eesi Warta Yarey iyo Howlaha Guud.
Sarkaalka hogaaminayay howlgalkaan ma uusan faahfaahin hadii howlgalka uu ka dhashay khasaare nafeed iyo inkale,sidoo kale ma sheegin inay ku soo qabteen dagaalamayaasha Alshaabaab qaarkood.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM
Advertisement