.

GAZA (DAYNIILE)-Wasiirada Maamulka Sahnuuniyada Israa’iil ayaa ansixiyay heshiiskii dhawaan laga gaaray dagaalkii ka socday marinka Gaza mudo sanad iyo laba bilood ah.

Advertisement

Heshiiskaani oo Axada beri ah lagu wado inuu dhaqan galo ayaa wuxuu dhigayaa in Xamaas sii deyso maxaabiixta ay Isra’iil ka heyso iyo in Yuhuuduna sii deyso dad kun ka badan oo ah shacab Falastiiniyiin ah.

Sidoo kale heshiiska wuxuu dhigayaa in Ciidamada Yuhuuda ka baxaan dhulka ay qabsadeen ee Gaza iyo sidoo kale in gar-aarkii bini’aadanimo loo fasaxo shacabka reer falastiin.

Shirka wasiirada ee heshiiskaani lagu meel mariyay waxaa la soo sheegayaa inay diideen Labo wasiir gaar ahaan kuwa midigta fog.

Guusha laga gaaray dagaalkii Gaza oo ay shacabka labada dhinacba u dabaal degeen ayaa imaanaya kadib markii xafiiska ra’iisul wasaaraha iyo Hamas labaduba xaqiijiyeen aqbalaada heshiiska.

Heshiiskaan waxaa ka soo shaqeeyay waqti badana geliyay ,dalalka  dhexdhexaadiyeyaasha Qatar, Mareykanka iyo Masar kuwaasoo laba maalin ka hor ku dhawaaqeen heshiiska.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here