Wasiirada la ansixiyay waxa kamid ah Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigalinta JSL, Md. Axmed-Yaasiin Sh. Cali Ayaanle, oo helay 65 cod, iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Md. Cabdiraxmaan Daahir Aadan, oo helay 59 cod.
Wasiirka Maalgashiga, Md. Siciid Maxamed Buraale – 63 cod, Wasiirka Deegaanka, Md. Cabdilaahi Cismaan Jaamac ayaa helay 64 cod, Wasiirka Maaliyada, Md. Cabdilaahi Xassan Aadan Cawaale ayaa helay 65 cod, Wasiirka Ganacsiga, Md. Cabdiraxmaan Xassan Nuux Furre ayaa helay 65 cod, Wasiirka Diinta, Md. Cabdilaahi Daahir Jaamac ayaa helay 65, Wasiirka Hawlaha Guud, Md. Xuseen Axmed Caydiid ayaa helay 63 cod, iyo Wasiirka Amniga, Md. Cabdale Maxamed Carab oo sidoo kale helay 65 cod.
Ugu danbayn, Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Barbaarinta iyo Sayniska Md. Ismaaciil Yuusuf Ducaale, Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Dr. Xuseen Bashiir Xirsi, iyo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Bulshada iyo Qoyska Mrwo. Milgo Maxamed Cilmi, ayuu midkiiba helay 65 cod.