No description available.

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeeshay xaruntooda Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

Advertisement

Xildhibaanada ayaa kulankooda maanta waxay ku  ansixiyeen hindise sharciyeedka xeerka shaqada Soomaaliya kaasoo ay markii hore ka doodeen.

Hindise sharciyeedka la ansixiyay waxaa haa ku codeysay  138-Xildhibaan,afar xildhibaan ayaa diiday hal xildhibaanna waa uu ka aamusay.

Xildhibaanada ayaa furitaankii shirka waxay ka tacsiyeeyeen dadka shacabka ahaa ee lagu  xasuuqa xeebta liido 2-dii bishaan iyagoona u duceeyay,sidoo kale xildhibaanadu waxay ayan daro ku tilmaameen is dhacaddaasi Dowladu isla xisaabtan ma sameyn.

Dhanka Xildhibaanada Aqalka sare ayaa iyaguna maanta kulan yeeshay walow ay maqnaadeen sanataro badan taasoo keentay in hadaladii ugu badnaa ee ay noqdeen dhibaatada lagu qabo maqnaanshaha mudanayaasha aqalka sare, xildhibaanada qaar waxay soo jeediyeen in sharciyo adag laga soo saaro maqnaanshaha bilaa fasaxa ah.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

No description available.

No description available.No description available.No description available.

No description available.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here