Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa galabta oo Isniin ah u codeynaya kordhinta cunaqabataynta saaran dhinaca ‘AS’ maadaama qaraarkaas oo qabyo ah si loo kordhiyo muddada ay soconeyso xayiraaddaas.
Mas’uuliyiin katirsan Golaha Ammaanka ayaa ku warramay in fadhigaan uu muhiim u yahay arrimaha amniga Geeska Afrika sidaas awgeed qaraarka miiska saaran uu noqon doonno mid culeys weyn saara ‘AS’ sida hadalka loo dhigay.
Fadhiga ayaa lagu cusbooneysiin doonnaa howlgalka guddiga khubarrada ah ee la socda cunaqabatayntaan saaranay ‘AS’ si shaqadiisa uu u kordhiyo ugana warqabo sida ay u dhaqangaleyso xayiraddaan saaran.
Dowladda Ingiriiska ayaa ka shaqeysay qabyo qoraalkaan loo gudbiyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, meelaha sida gaarka ah la ilaalinayo waxaa kamid ah Xeebaha oo ah meelaha inta badan hubka looga dejiyo.
Kulankaan waxa uu kusoo beegmayaa iyada oo Soomaaliya sanadkaan ay kamid tahay 15 Dal ee Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ee Fadhigaan jooga kana go’aan gaaraya qaraarkaan qabyada ah ee cunaqabataynta hubka ee ‘AS’ saaran.