NEW YORK (DAYNIILE.COM)-Xarunta Qaramada Midoobe ee New York waxaa lau wadaa in Galabta uu ka dhaco kulan ay leeyihiin xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay kaasoo looga hadli doono arinta Somalia.

Wasiirka arimaha dibada Somalia Axmed Macalin Fiqi ayaa ka qeybgalaya shirka galabta waxaana looga hadli doona dagaalka Dowlada Somalia kula jirto Alshabaab iyo sidoo kale xadgudubka Dowlada Itoobiya ku heyso Qaranka Soomaaliya.

Advertisement

Sidoo kale shirka waxaa ka qeybgalaya ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika Mohamed El-Amine Souef ahna madaxa ATMIS iyo James Swan oo ah wakiilka KMG ah Xoghayaha Guud.

Shirka dhamaadkiisa waxaa la filayaa in mar kale qaramada midoobe war ka soo saartay xiisada u dhexeysa Somalia iyo Itoobiya iyadoo hore Qaramada Midoobe u cadeysay mowqifkeeda taageerada ay u muujisay Somalia.

Shirkaan oo ku soo aadaya xili dhawaan Dowlada Somalia hub casri ah la timid sidoo kalana ku soo aadeysa xili waqtigii ATMIS uu bilo ka harsan yahay ayaa wararkeena danbe idinkula wadaagi doonaa wixii ka soo baxa insha allah.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here