Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa in maanta ay u codeeyaan qaraar qabyo ah oo lagu ansixinayo howlgalka Midowga Afrika ee taageerada iyo xasilinta Soomaaliya (AUSSOM) oo bedeli doona howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) oo waqtigoodu uu ku eg yahay 31-ka December. 2024.
Qaraarkan qabyada ah oo ay garwadeen ka tahay dowladda Ingiriiska, ayaa ogolaanya in Soomaaliya la geeyo 12,626 askari , oo ay ku jiraan 1,040 boolis ah, muddo 12 bilood ah oo ka bilaabmaysa 1da Janaayo, 2025, iyadoo xilliga kala guurka ATMIS-ka iyo AUSSOM la dhamaystiri doono 30ka Juun, 2025.
Soomaaliya iyo wadamada ciidanka ka joogaan ayaa la filayaa in ay ka qeyb galaan kulanka maanta sida uu qabo xeer 37-aad ee xeer hoosaadka KMG ah ee Golaha.
Qabyo-qoraalka ayaa taageeray qaabka maalgelinta “isku-dhafan” ee xeer 2719, oo daboolaya 75 boqolkiiba kharashaadka iyada oo loo marayo kaalmada Qaramada Midoobay, inta soo hartayna waxaa bixinaya AU iyo UN.