MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Go’aanka aad ugu wanaagsan Mustaqbalka Soomaalida, raja wenyna gelinaya ayaa ka soo baxay Dowlada Somalia gaar ahaan Xukuumada dan-qaran ee uu hogaamiyo Ra’iisulwasaare Xamza Cabdi-Barre.
Wasiirka Beeraha Somalia Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa ku dhawaaqa go’aankaani oo dhiiri-gelina u ah si gaar ah beeraleyda Soomaaliyeed kaasoo ah in mira kasta oo dalkeena ka soo baxa intuu suuqyada yaal aan dibada laga keeni karin mid la mida mirahaasi.
Talaabadaani uu qaaday Wasiir Maareeye ayaa ah guushii ugu weyneeed ee laga gaaro wax soo saarka.
Wasaaradu waxay adkeysay go’aankeeda ah inaan raashin dibada laga keeni karin iyadoo uu dalka yaalo mid ka soo baxay beeraheena si loo dhiiri geliyo beeraleyda.
Talaabada Wasaaradaani qaaday ayaa ku soo aadaya xili Bariis badan uu ka soo baxay beeraha Magaalada Jowhar kuwaasoo jawaano lagu soo xirxirey sida kuwa dibada ka yimaada oo kale.
Bariiskaani iyo kuwa lamid ah ayuu Wasiirku tusaale u soo qaatay isagoona ku dhawaaqay in dowladu cein doonto kuwa banaanka inay dalka soo galaan inta kuwa gudaha ay suuq ka helayaan.
Bariiska hada dalka laga soo saaray oo loogu magac daray Bariis Jowhar ayaa suuqyada lagu arkay,kuna faafay islamarkaana lagu kala iibsanayaa xili uu ka taya wanaagsan yahay kuwa banaanka oo xitaa aan la hubin inuu bariis sax yahay ama kuwa macmalka.
Wasiirka Beeraha Maxamed Cabdi Xayir Maareeye wuxuu dhanka kale sheegay in bariiskaani la siin doono oo laga iibin doono ciidamada Xooga dalka islamarkaana ay raashin ka dhigan doonaan halkii ay hore mid dibada ah u cuni jireen.
Si kastaba talaabadaani wasaarada beeruhu qaaday waxaa ka horeeyay dadaalo ay bilihii ugu dambeeyay geliyeen beeraleyda iyadoo wasaaradu siisay gaadiidka beeraha loo adeegsado sida cagafta ,dawooyinka,tababaro iyo dalaga la beerto.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM