Waxaa xalay soo dhamaaday wareega sideed dhamaadka tartanka UEFA Nations League iyadoo kulamo xiiso badan la ciyaaray islamarkaana ay xulalka qoorta isku galeen.
Spain ayaa rigoore 5-4 kaga soo gudubtay xulka Netherlands oo ay isku dhaafi waayeen barbaro 5-5 ah labadii lug ee wareega sideed dhamaadka.
Xulka La Roja ayaa waxay haatan wareega afar dhamaadka ku dhacayaan xulka Faransiiska oo iyagana rigoore kaga takhalusay xulka Croatia ka dib markii labada lug ee wareega sideed dhamaadka ay barbaro 2-2 ah la isla dhaafi waayeen.
Dhanka kale xulka Portugal oo ciyaar wacdarro leh ka dib ka soo gudbay Denmark waxay isku balansadeen wareega afar dhamaadka xulka Jarmalka oo ciriiri uga soo baxay xulka Talyaaniga.
Portugal oo kulankii lugta hore ee wareega 8da ay guuldarro 1-0 ah ay ka soo gaartay Denmark waxay caawa ku garaaceen 5-2 iyadoo la isla aaday waqtiga dheeriga ah. Cristiano Ronaldo oo rigoore laga qabtay ayaa gool caadi ah dhaliyay halka Trincao uu labo gool dhaliyay iyadoo Goncalo Ramos uu guusha xaqiijiyay waqtigii dheeriga ee ciyaarta.
Jarmalka oo lugtii hore 2-1 ku soo badiyay ayaa ku badbaadiyay si ciriiri ah ka dib markii ay caawa iska qasaariyeen hogaan 3-0 ah iyadoo Talyaaniga uu barbareeyay. Laakiin guushii lugta hore ayaa u saamaxday inay u soo gudbaan semi-finalka.
ISKU AADKA SEMI-FINALKA:
Germany vs Portugal
Spain vs France
Waxaa semi-finalka iyo finalka koobkaan lagu ciyaari doonaa dalka Jarmalka bisha Juun ee sannadkan.