Gen.Dayax Cabdi C/laahi oo ah taliyihii hore ee ciidamada lugta ayaa ka hadlay dar darta la sheegay inay la soo baxeen kooxda Alshabaab oo ay deegano hor leh ay ku weerarayaan maalmihii ugu danbeeyay.
Sarkalkaan oo bartiisa baraha bulshada ku soo qorey qoraal buu arintaan kaga hadlayo ayaa daboolka ka qaaday in alshabaab ku jiraan rafashadii ugu dambeysay.
Jenaraalka qoraalka uu soo dhigay bartiisa facebook sidan ayay u qorneyd:-
“Rafashada naf baxa ee khawarijta shabaab iyo daacish ee maalmahaan maahan awood dheeraad oo ay la soo baxeen” ayuu yiri Gen Dayax.
Kooxaha naf lacaariga khawaarijtaa oo ku jira maalmahoodii u danbeeyay xaga Nolasha iyo jiritaankooda waxay maalmahii u danbeeyay dareemeen inaysan u babac dhigi karin Halyeeyada geesiyada ah ee Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaleed oo kaa shanaya Xooggaga wadaniyiinta deegaanka ( 𝙈𝙖𝙘𝙖𝙬𝙞𝙨𝙡𝙖𝙮) iyo saaxiibada dowlada Soomaaliyada ka taageera ciribtida naftood haligayaasha khawaarijtaa oo sameeyaan waxaa loo yaqaan 𝗥𝗮𝗳𝗮𝘀𝗵𝗮𝗱𝗮 𝗡𝗮𝗳 𝗯𝗮𝘅𝗮 oo ah astaamaha lagu garto Qolyaha Xaalada jiri taanka iyo awooda isdifaacidu ku yaraato.
𝗥𝗮𝗳𝘀𝗵𝗮𝗱𝗮 𝗡𝗮𝗳 𝗯𝗮𝘅𝗮 ee kooxda khawaarijtaa maaha mid hor istaagi doonta Wiilasha Naftood hurayaashaa ee 𝗖𝗫𝗗𝗦 ee bisha Ramadaan waliba 10kii u danbeeyay maalmahiisii u danbeeyay Looguna rajo wayn yahay in Laylatul Qadriga tahay ku guda jira gudashada cibaadadii Ramadaan iyo midii difaaca dalka iyo dadka somaaliyeed si looga dhabeeya dhaartii iyo ballamahii Alle iyo umada Soomaaliyeedba la galnay, cibaado waa gudasho cadowna waa cirib tir iyo Cadaabid 𝗚𝘂𝘂𝗹 𝗖𝗫𝗗𝗦.
