Sida uu goor dhaw warbaahinta u sheegay Gudoomiye ku xiinkii Hore Goballka Banaadir ibraahin Cumar Mahadale waxaa geeridiisa la xaqiijiyay Allaha u naxariistee Taliye Ismaciil Tuuryare.
Sarkaalkaan oo ah nin dhalinyaro ah xilal dhowr ahna ka soo qabtay taliska ciidamada xoogga ayaa warkiisa la waayay dagaalkii Degmada Aadan Yabaal oo uu ka mid ahaa saraakiishii hogaamineysay ciidamada.
Allaha u naxariistee Taliye Ismaaciil uu hogaaminayay boqolaal ka tirsan ciidamada Xooga dalka wuxuuna qeyb ka ahaa dagaalkii Aadan Yabaal, ilaa maalintaas waxaa baraha bulshada la wareejinayay hadalo iska soo horjeeda oo ku saasban inuu bad-baaday iyo inuu dhintay.
Ismaaciil Tuuryare wuxuu ahaa Taliye Urur ka tirsan ciidamada Xooga gaar ,wuxuuna markii ugu dambeysay ka howlgalayay Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeelaha dhexe isagoo xukuayay ciidamo gaaraya 500.
Taliye Ismaaciil waxaa lagu xasuustaa inuu qeyb ka ahaa halgankii Xarar-dheere looga saaray Alshabaab isagoo xidigle ahaa ,sidoo kale wuxuu ka mid ahaa saraakiishii Madaxweyne Xassan ku soo dhaweysay Xarardhere, ugu dambeyn wuxuu ku dhintay dagaalkii dhawaan Alshabaab ku qabsadeen Degmada Aadan Yabaal xili uu ka mid ahaa taliyayaasha ugu sareeyay ee dagaalkaasi hogaaminayay.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM