=XAFIISKA WARARKA CIYAARAHA DAYNIILE.COM=
Garsooraha Soomaaliyeed ee heer caalami Cumar Cartan ayaa sabtida maalin kadib wuxuu dhex dhexaadin doonaa kulan ka tirsan wareegga afar dhammaadka CAF Champions League.
Kulankaan oo u dhexeeya labada kooxood ee ka kala dhisan Dalalka Masar iyo Koofur-Afrika ayaa ka ah lugta kowaad ee wareegga afar dhammaadka CAF Champions League.
Kulankaani oo u dhexeeya kooxda Mamelodi Sundowns ee South Africa iyo kooxda Masar ka dhisan ee Al Ahly waxaa la sheegayaa inuu yahay aad u adag kaasoo ka dhici doona 19-ka Abriil 2025 magaalada Pretoria ee dalka Koonfur Afrika.
Sidoo kale waxaa xusid mudan in ciyaartaan adag lugteeda labaad marti loo yahay kooxda Dalka Masar ka dhisan madaama kulanka sabtidaan marti loo yahay kooxda ka dhisan Dalka Koofur-Afrika.
kulanka Magaalada Qaahira wuxuu dhici doonaa Jimcaha, 25-ka Abriil 2025 hadii alle idmo.
Maaha kulankii ugu horeeyay oo afar dhamaadka CAF Champions League ka tirsan oo uu dhex-dehxaadiyo Garsoore Cumar Cartan balse waxay u tahay kulankiisii labaad oo uu dhex dhexaadiyo.
XAFIISKA WARARKA CIYAARAHA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM