Kaidb markii Dowlada Kuuriyada Waqooyi ay tijaabisay gantaal nuuca balaastikada islamarkaana ah kuwa ridada dheer ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya inuu fashilmay tijaabada gantaalkaasi.

Dowlada deriska la ah ee Kuuriyada Koonfureed islamarkaana uu cadaawad kala dhexeeyo ayaa shaaciyeen in tijaabada gantaalka kuuriyada Waqooyi inuu fashilmay walow aysan jawaab degdeg ah ka bixin kuuriyada Waqooyi.

Advertisement

“Gantaal nuuca riddada dheer oo ay tijaabinayeen   Kuuriyada Woqooyi  ayeey u badan tahay in lagu guul dareystay”ayaa lagu yiri war ka soo baxay militariga Kuuriyada Koonfureed.

Arrintan aya imaneysa maalmo kadib markii dhowaan

Arintaan ayaa ku soo aadeysa xili maalmo ka hor ay dhoola-tus Milatyari isla sameeyeen Mareykanka,Kuuriyada Koonfureed iyo Japan,waxaana ka qeyb-qaatay markab dagaal oo Mareykanklu leeyahay.

Warka ka soo baxay Ciidamada Kuuriyada Koonfureed ayaa intaasi ku daraya in Kuuriyada Waqooyi ay gantaal-ka tijaabada ah u gantay dhanka biyaha bari ee Waqooyiga Kuuriya, balse uu fashilmay.

Dhanka kale  Wasaaradda Difaaca ee Japan ayaa iyaduna  ogaatay in Kuuriyada Waqooyi ay ridday gantaalka ballistiga ah balse sida K/konfureed fashil kuma nuux nuuxsan.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here