TEL AVIV (DAYNIILE.COM)-Sida ay sheegeen militariga Israa’iil gantaal kaga yimid dhanka Yemen ayaa Saaka ku dhacay bartamaha MagaaladaTel Aviv ee isra’iil.

Shacab iyo Milatari ka tirsan Yuhuuda oo ku sugnaa  Magaalada caasimada u ah ee  Tel Aviv ayaa kala cararay iyagoo raadsaday meel gabaad ah .

Advertisement

Gantaalka oo ahaa nuuca riddada dheer ayaa qalqal iyo cabsi ku abuurey shacabka Israa’iil.

Wararka durba soo baxaya ayaa sheegaya in 9 ruux ku dhaawacmeen gantaalka walow aaney jirin wax dhimasho ah, waxaana uu ku dhacay dhul furan oo ku yaala Bartamaha Israa’iil.

Warbaahin dhanka Carabta laga leeyahay ayaa sidoo kale shaaciyay in qaax laga maqlay tuulada Madillah ee xuduudda woqooyi ee Israa’iil taasoo lagu sheegay qarax ay ka danbeysay diyaarad nuuca aan duuliyaha lahayn.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Israel

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here