NAIROBI (DAYNIILE.COM)-Cumar Ibraahim Xuseen oo ah xoghayaha guud ee gacansatada xaafadda Islii ee magaalada Nairobi ayaa ka warbixiyay sida ay diyaarka ugu yihiin inay ka faa’iideystaan maalgashiga Muqdishada cusub taasoo uu dhawaan soo bandhigay Madaxweynaha Soomaalya Xasan Sheekh.
xoghayaha guud ee gacansatada xaafadda Islii oo wareysi siiyay idaacada VOA-da ayaa sheegay inay ka qeybgaleen xafladii dhawaan Muqdissho ka dhacday ee Madaxweyne Xasan uu ku soo bandhigayay maalgashiga Muqdishada cusub islamarkaana ay ku qanceen fursadaha uu madaxweynaha u soo bandhigay dhamaan ganacsatada Soomaaliyeed.
“Safiirka Somalia ee Kenya ayaa nagu casuumay kulankaasi Muqdisho ka dhacay waxaanau aragnaa fursad wanaagsan oo ganacsatada ay ku maalgashan karaan muqdishada cusub”ayuu yiri Cumar Ibraahim Xuseen.
laba maalin ka hor ayay ahayd markii Madaxweynaha Soomaaliya uu Muqdisho ku qabtay kulan uu ku soo bandhigay in loo jiheysanayo dhawaan dhismaha muqdishada cusub gaar ahaan dekad iyo garoon diyaaradeed oo caalami ah xili ganacsatada uu u soo bandhigay fursad ay dalkooda ku maalgashan karaan.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM