Ayadoo ay rabshado xooggani ka socdaan dalka Mozambique ayaa wararku waxay sheegayaan in Soomaali badan oo ganacsato ah dhac iyo boob loogu geystay dalkaas, islamarkaana xumohoodii qaar cagta la mariyay oo la bililiqaystay.
Soddon iyo saddex qof ayaa ku dhintay 15 kalena way ku dhaawacmeen iska horimaadyo dhex maray ciidamada dowladda iyo dibadbaxayaal, iyada oo kumanaan qof ay ka baxdadeen xabsiyada, sida uu shir jaraa’id ku sheegay taliyaha booliiska Bernardino Rafael.
Advertisement
Bannaanbaxyada ayaa bilowday ka dib markii maxkamadda ugu sarreysa Mozambique ay xaqiijisay in xisbiga Frelimo ee talada haya tan iyo 1975-tii uu ku guuleystay doorashadii madaxtinimo ee 9-kii bishii Oktoobar dhacday.
Advertisement