MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Ganacsato lagu weeraray Muqdisho kaamirada qarsoon darteed iyo khasaare nafeed oo ka dhashay.
Kooxo hubeysan oo loo maleynayo inay Alshabaab yihiin ayaa saaka weerar khasaare nafeed geystay waxay mar qura ku wada qaadeen dhowr tukaan oo ku taal nawaaxiga isgoyska Towfiiq gaar ahaan miisaanka dhuxusha Degmada Yaaqshiid ee Magaalada Muqdisho.
Dad aad u badan iyo ciidamo Dowlada ka socday ayaa markiiba goobta soo buuxiyay xili goobtooda ganacsi laga qaaday dhowr dhalinyaro ah oo ay toogteen kooxihii weerarka soo qaaday xili kaliya loo heysto maxaad kaamirada qarsoon u xirateen.
Wararka kala duwan oo aan la xaqiijin ayaa ka soo baxaya khasaaraha nafeed inta uu gaarsiisan yahay, 3 ganacsato ah in dhaawac ahaan loo qaaday ayaa wararka qaar sheegayaan halka warar kalana sheegayaan in qaarkood goobta ku dhinteen intaan la qaadin.
Hay’adaha amniga Dowlada ayaa laga sugayaa warar sugan oo la xiriirta cida weerarka geysatay iyo tirada rasmiga ah ee khasaaraha ka dhashay marka la eego dhaawacyada ama hadii ay jirto dhimasho.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM