Alle ha u naxariistee, Saadaq Axmed Xasan (Saadaq British), oo ka mid ahaa ganacsatada Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika, ayaa lagu dilay halkaas.
Marxuumka, oo muddo dheer ku noolaa Koonfur Afrika, ayaa ahaa shaqsi si weyn looga yaqaanay bulshada ganacsiga.
Advertisement
Kooxo hubeysan oo doonayay in ay dhacaan ganacsadaha ayaa dilay sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah ehelkiisa.
Dalka Koonfur Afrika wali waxaa kasii socda dilalka loo geysanayo ganacsatada Soomaaliyeed ee lafdhabarka u ahaa bulshada Soomaaliyeed.
Inta badan laguma guuleysto in gacanta lagu soo dhigo kooxaha dilka geysta waana sababta ay usii socdaan dhibaatooyinka.
Advertisement