MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Kooxo hubeysan oo la rumeysan yahay inay Alshabaab ka tirsan yihiin ayaa saaka waxay Degmada kaaraan ku dileen nin Ganacsade ahaa oo xiligaasi ku sugnaa goobtiisa shidaalka lagu iibiyo ama ajabka shidaalka.

Halka dilku ka dhacay ayaa ah nawaaxiga Hotel Guuleed oo ah halka ay iska galaan degmooyinka Kaaraan iyo Yaaqshiid.

Advertisement

Kooxdaan Alshabaabka ka tirsanaa oo bistoolad watay ayaa la sheegay inay soo qaateen mooto bajaaj kadibna ay iska soo dhigeen dad shidaal iibsanaya taasoo u sahashay inay madaxa bistoolad uga dhuftaan ninkii shidaalka iibinayay.

Sidoo kale waxay isla goobta ku dhaawaceen qof labaad oo isna wax ka iibinayay isla ajabkaasi markii isna ay rasaasta huwiyeen walow uu cararay isagoo dhaawac ah sidaana ku suurtagashay inay iyagii isaga cararaan goobta si aaney ciidamada Dowladu ugu soo gaarin.

Falkaani ayaa daba socda qorshe alshabaab maalmihii ugu danbeeyay ku ugaarsanayeen dadka kaamirooyinka u xiran yihiin iyagoo u arka mid caqabad ku ah dilalkooda ay ka dhex wadaan Magaalada Muqdisho  halka Dowladuna dadka ku qasabtay inay xirtan kaamirada.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here