DHUUSA-MAREEB (DAYNIILE.COM)-Warar aan wali la xaqiijin ayaa sheegaya in dagaal-yahanada kooxda Ahlu suna ee suufiyada inay dib isku urursadeen kadibna dhaq dhaqaaqyo ka bilaabeen deegaano ku dhaw Magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta Maamulka Galmudug.

Wararka ayaa tilmaamay inay maalmaha soo socda siyaaro ku qabaan Degmada Huurshe oo ka tirsan Gobolka Galgaduud islamarkaana ku dhaw magaalada Dhuusa-mareeb.

Advertisement

Dagaal-yahano badan ayaa la soo sheegayaa inay kooxda Ahlu suna ku urursatay Deegaanka Huurshe taasoo keeni karta isku dhac u dhexeeya iyaga maamulka Gal-mudug oo garab ka helaya Dowlada.

Xiligii Xukuumadii uu Ra’iisulwasaaraha ka ahaa Xasan Cali Kheyre ayaa kooxdaan hub ka dhigis lagu sameeyay balse hada waxaa la hadal hayaa inay doonayaan sidii ay dib isugu soo abaabuli lahaayeen xili ay ka soo hor jeedaan siyaasada Madaxweynaha Maamulka Galmuduf Axmed Cabdi Kaariye Qoor-qoor.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM 

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here