BOOSAASO (DAYNIILE.COM)-Ganacsatada daabusha shidaalka deegaanada Puntland ayaa ka cabanaya masuuliyiinta Maamulka kaasoo saacadihii ugu dambeeyay canshuur kordhin ku soo rogay shidaalka.

Qaar badan oo ka mid ah baabuurta qaadda shidaalka ayaajoojiyay shaqada ay bulshada u hayeen madaama ay ku adag tahay bixinta lacagta la soo kordhiyay sida ay sheegeen.

Advertisement

Mid ka mida ganacsatada ayaa sheegay in saameynta shidaalka la qaaliyeeyay ay hada u fadhiyaan ganacsiyo sida warshado.

“inagu wixii nalagu kordhiyay waan awoodnay inay saarno shacabka laakiin waxaan ka door-bidnay inay u turno shacabkeena”ayuu yiri Ganacsade wareysii siiyay idaacada VOA-da laanteeda afka Somaliga.

Sidoo kale Ganacsadaha wuxuu sheegay inay cabashadooda u gudbiyeen masuuliyiin maamulka ka tirsan sida kuwa wasaarada maaliyada iyo gobolka.

“waxaan hore u bixin  jirnay 146 calaa gaari sanadkii  bayna ahayd balse hada 3 biklood baa laga dhigay markaa ilaa 500 ayaa nagu kordhay”ayuu yiri Ganacsatadaha oo sharaxayay inta lagu kordhiyay.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Gaadiidka Shidaalka Daabula ee Puntland

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here