Gacan ku dhiigle hore dil uga gaystay deegaanada Maamulka Puntland ayaa waxaa Nairobi ka soo qabtay Ciidamada Interpol kadib markii Dowlada Somalia ay dalbatay kadibna waxaa lagu wareejiyay Dowlada Somalia kuwaasoo iyaguna ku sii wareejiyay Puntland.

Gacan ku dhiiglaha ayaa Maanta Gaarowe laga deiiyay waxaana War ka soo saaray maamulka Puntland sidaan ayayna u qorneyd:-

Advertisement

Taliska Qaybta booliska Gobolka Nugaal ayaa maanta lawareegay eedeysane baxsad ahaa oo si dhuumaaleysi ah ugu gudbay dalka Kenya,kaas oo maanta laga soo dejiyay garoonka diyaaradaha Magaalada Garowe.

Eedaysane Maxamed Cumar Ciise ayaa ku eedeysan dilka marxmuum Axmed Cabdullaahi Maxamuud Faarax oo 17-05-2023 ka dhacay magaalada Garowe waxaa qabashadiisa iska kaashaday Ciidanka Booliska Aduunka ee Interpol,Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Gen Mumin Abdi Shire,Laanta Danbi batista CID ee Gobolka Nugaal iyo Eheladda eedaysanaha,waxaana la horgeydoonaa Maxkamada awooda u leh kiiskiisa.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here