whitebackground600
HomeWarkiiGabar Soomaali ah oo lagu dilay Denmark iyo booliska oo baadigoobaya ninkii...

Gabar Soomaali ah oo lagu dilay Denmark iyo booliska oo baadigoobaya ninkii dilay

=XIGASHO BBC SOMALI=

.

Booliska Denmark ayaa baadigoobaya qof ay ku tuhunsn yihiin in uu ka dambeeyay dilka gabar 21 jir aheyd oo soomaali ah taas oo lagu tooreeyay magaalda Herning Isniintii.

Baadhayaasha booliska waxay sheegeen in ay si adag uga shaqeeyeen helista ninka la tuhunsan yahay hadana ay dadweynaha ka codsanayana in ay ka caawiyeen sidii lagu soo qaban lahaa.

Dalka Denmark ayaa guud ahaan ka mid ah dalalka ugu amniga badan Yurub, kuwaas oo badanaa ay dhif naadir tahay kiisaska la halmaala kan oo kale ee la xidhiidha mindida iyo hubka kale ee dadka shacabka ahi isu geystaan.

Booliska ayaa sheegay in ay isku dayeen in ay badbaadiyaan dhibbanihii kiiskaas, bal se ay u suuragali wayday.

Waxaana ay sii raaciyeen in ay gabadhaas dhallinyarta ah geeriyootay intii loo sii waday cisbitaalka.

Mohamed-Amin Siyad Abdi oo madax ka ah Radio Hormuud ee Demaarka ayaa BBC-da uga warramay in falka lagu geystay mindi, isla mar ahaan taana ay boolisku ku sheegeen qofka danbiga galay in uu ahaa qof jira da’aadda 25 jir.

Waxa kale oo ay boolisku ku sheegeen astaamaha qofka dilka geystay uu dhererkiisu 180 mitir sida oo kale uu xidhnaa marka uu falka geeysanayayna jaakad madaw.

Dalkani wuxuu leeyahay xeerar aad u adag oo ku saabsan hubka, kuwaas oo ka mid ah kuwa ugu adag Yurub. Ruqsadaha lagu hanto hubka badanaa waxaa la siiyaa kaliya dadka wax ugaadhsada ama ku ciyaara cayaaraha hubka, iyadoo lagu sameeyo baadhitaanno dhameystiran oo dhan kastaba ah.

Waxaa si buuxda loo mamnuucay in la haysto hubka si toos ah isu rida automatic weapons. Sidoo kale, waxaa si adag loo mamnuucay in hub lala dhex maro goobaha dadweynaha.

“Dalkani waa dal nabadgelyo badan, marka ay noqoto qaaradda Yurub dadkuna argagax ayay ka muujiyeen, balse boolisku waxa ay dadka u sheegeen in ay is dejiyaan” ayuu BBC-da u sheegay weriye Maxamed Amiin oo dalkaas ku sugan

Sida ay baahista haayadda istaatikada Statista, Denmark ayaa loo aqoon san yahay dalka labaad ee ugu amni badan adduunka, iyada oo ku xigta dalka ay isku aagga ku yaallaan ee Icelamnd.

Waxay boolisku dadka ku boorriyeen qof kasta oo haya xog ku saabsan dhacdadaas in uu la soo xidhiidho booliskana uu toos ama si qarsoodi ah ula soo socodsiiyo wixii xog ah.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -