XARFO (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo degmada Xarfo ee Gobolka Mudug ayaa sheegaya in gabar yar oo 9 jir ahayd lana weysna mudo bil iyo ka sii badan ugu danbeyn meydkeeda laga helay miyiga degmadaasi.

Gabadha oo lagu magacaabo Nasro Cabdillaahi Aadan ayaa markii la weynayay waxaa la sheegay inay guriga ka habowday kadib markii jeeg caano ku jira loogu dhiibay qoys u dhawaa gurigooda.

Advertisement

Hay’adaha amaanka iyo dadka deegaanka ayaa la sheegay inay isugu tageen baadi goobka gabadha balse way waayeen,nin geel raadinayay ayaa la sheegay inuu helay meydka bil iyo maalmo ka dib kaasoo ugu danbeyn qoyskeeda ku soo war geliyay.

Taliyaha saldhiga Xarfo ee Puntland Xasan Maxamed Cilmi (Dhiidhaco)  iyo aabaha dhalay Gabadha oo wareysi siiyay BBC laanteeda Afka Somalia ayaa ka hadlay soo helintaanka meydka gabadha mana jirto wax tuhun ah oo ku saabsan in la dilay cunugta saqiirka ah.

Aabe Cabdillaahi Aadan wuxuu BBC u sheegay kaliya inay rumeysan yihiin gabadhiisa inay oon ama haraad iyo Gaajo u dhimatay oo aysan jirin sabab kala oo ay maleynayaan.

Ilaa iyo 500 ruux ayaa la sheegay inay ka qeybaateen raadinta cunugtaas 9 jirka ahayd balse goobta ay ku dhuntay oo duur ahayd aadna jiq u ahayd uma suurataglin inay soo helaan ,ugu danbeyn ninka geel-jiraha ah lana socday maqnaashaha gabadha ayaa arkay meydka gabasha oo kala daatay lafo lafana gaaray madaama ay bil camal meyd ahayd.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Xarfo

ZAKI QASE

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here