NAIROBI (DAYNIILE.COM)-ku lahayd Magaalada Nairobi gaar ahaan Islii sababo la xiriira cabnashada ay Soomaalidu ka qabaan amniga Nairobi oo sii halaabaya.
habeen hore waxaa la dilay hooyo Soomaaliyeed iyo laba gabdhiood oo ay dhashay kadib markii la shirqoolay dhamaantood, meydkooda oo si xun loo dilay ayaana laamiga lagu soo tuuray taasoo ka careysiisay Soomaalida.
Sidoo kale Soomaalida waxay ganacsiyadooda maanta u xireen si ay murugada ula qeybsadaan qoyska walaalaha Soomaaliyeed ay ka baxeen, sidoo kale Dowlada Kenya iyo Hay’adaheeda amnigana waxaa lagu cadaadinayaa inay soo qabtaan kuwii dilalka arxan darada gaystay.
inkastoo tukaamada xafadaha kuwooda iska ya yar ay qaarkood furan yihiin hadana dhaq-dhaqaaaqa Shaqoo joojinta waxaa aad ugu dhib qaba qolooyinka maalin jooga uun raadsada suuqa ama goobaha kuwaasoo maanta shaqa la’aan ah.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM
Advertisement