Taliyaha Guutada 14-ka October ee Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed G/sare Nuur Maxamed Gaabow “Nur Farey” oo ku sugan deegaanka Janaale ayaa difaacyadooda ku booqday Ururada 144-aad iyo 145-aad ee kawada tirsan Guutada 14-ka October, gacantana ku haya deegaankaas.
G/sare Nur Farey oo Saraakiisha iyo Askarta ee ku sugan Janaale la hadlay ayaa ku bogaadiyay guulihii ay ka keeneen howlgaladii ugu dambeeyay ee ay ku khaarijiyeen Maleeshiyaad ay Khawaarijta ku diyaarinaysay tuulooyin hoostaga deegaanka Janaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Advertisement