Gaari Leylo Calaawi ah oo la sheegay inuu Khawaarijta u siday hub, daawo iyo saanad kale oo ciidan ayaa maanta lagu qabtay soohdinta ay wadaagaan gobollada Sh/Dhexe iyo Galgaduud, gaar ahaan deegaanka Maraay-suuley oo u dhow deegaanka Mesegawaa.

Ciidamada xoogga dalka, gaar ahaan ururka 86-aad ee Guutada 77 ayaa fuliyey howlgalka lagu qabtay gaarigaas, waxayna ciidanku soo bandhigeen sawirrada gaariga la qabtay iyo qeybo ka mid ah agabka la sheegay inuu Khawaarijta u siday.

Maalmihii lasoo dhaafay howlgallo is dabajoog ah ayaa ka socday tuulooyinka iyo dhulka howdka ah ee dhaca soohdinta labada gobol ee Galgaduud iyo Sh/Dhexe, waxaana lagu guuleystay in dhagarqabayaasha laga sifeeyo dhul baaxad leh.
=XIGASHO WARBAAHINTA DOWLADA=
May be an image of ‎1 person, camping and ‎text that says "‎10 100 120 60 80 የኢትመስስስ 01 140 40 180 60 40 PREMIO 200 20 220 0 PEAMHHILM Ta0es LAND RUISER LANDCRUISER ISER 1S AB 3017 Na SOMALIA SOMALIAJngell السومال‎"‎‎No photo description available.May be an image of 6 peopleMay be an image of 2 people, people camping and textMay be an image of 3 people and text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here