GAALKACYO (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo Gobolka Mudug ayaa sheegaya in gaari agab u siday kooxda Alshabaab lagu qabtay Gobolka Mudug kadib markii uu u gacan galay ciidamada Milatariga Dowlada Soomaaliya.

Gaarigaan oo la sheegay inuu sahay u siday Alshabaab ayaa lala qabtay dadkii waday,wuxuuna ahaa gaarigu nooca loo yaqaan Noah-da,waxaana warkaan lagu shaaciyay warbaahinta qaranka.

Advertisement

Wararku waxay intaasi ku darayaan in gaarigaani u socday deegaanada kala ah Dumaaye iyo Dabalo oo ku yaala Koonfurta gobolka Mudug,wuxuuna ka yimid Magaalada Gaalkacyo.

Dhanka kale gaarigaan sahayda loogu waday Alshabaab waxaa la sheegay inay kala yihiin shidaal iyo raashin,saraakiil u hadashay Dowlada ayaa sheegtay inay wadaan baaritaano islamarkaana ay dhawaan sahrciga hor geyn doonaan kooxaha la qabtay.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here