MANNHEIM (DAYNIILE.COM)-Sida ay sheegtay Idaacada BBC laanteeda afka Soomaaliga waxaa k dhacay dalka Jarmalka weerar mindi oo lagu qaaday nin dalkaasi u dhashay oo ku caan baxay islaam nacaybka.

Ninkaan wuxuu  mindi ku weeraray lix qof oo uu ay ku jiraan ninka islaam nacaybka ku caan baxay iyo askari boolis ah.

Advertisement

Wararku waxay intaasi ku darayaan in falkaasi uu ka dhacay goob suuq ah oo ku taal magaalada Mannheim ee koonfur-galbeed ee Jarmalka

Mid ka mid ah dadka dhaawacmay ayaa ahaa nin u dhaq dhaqaaqa Islaam naceybka, oo la yirahdo

Ninka islaam nacaybka lagu bartay oo magaciisa lagu sheegay Michael Stürzenberger ayay kooxiisu sheegeen inuu isku diyaarinayay qaban qaabada banaan bax ka dhici lahaa goobaha bulshadu isugu timaado.

Ninka weerarka fuliyay waxaa toogtay markii danbe askarta Booliiska xili uu weerarka ku guda jirey ,waxaana laga daawanayay dhacdada Youtube-ka.

Muuqaalada laga daawanayay Youtube-ka ayaa muujinayay ninka weerarka fuliyay isagoo toorey la dhacaya nin kadibna uu askari booliis ah oo soo gurmaday uu isna toorey la dhacay ka hor inta uusan askari kale toogan.

Askariga Booliiska ee ku jira lixda ruux ee tooreyda lagu dhibaateeyay ayaa xaaladiisa caafimaad laga derinayaa.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Mid ka mid ah dadka dhaawacmay ayaa ahaa nin u dhaq dhaqaaqa Islaam naceybka, oo la yirahdo Michael Stürzenberger,

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here