NAIROBI (DAYNIILE.COM)-Masuul ka tirsan Ururka shaqaalaha Kenya oo amaan kala dul dhacay Soomaalida Islii iyo Ganacsigooda
Xoghayaha Guud Ururrada shaqaalaha Kenya Francis Atwoli ayaa amaan kala dul dhacay bulshada soomaaliyeed ee ganacsiga muuqda ku leh Nairobi gaar ahaan xaafada Islii.
Francis Atwoli oo dhawaan booqday Xaafada Islii ayaa Soomaalida ku amaanay sida ay horumarka uga sameeyeen ganacsiga ka jira xaafada Islii isagoo la meel dhigay sida adoo jooga Magaalada Qaahira ee xarunta Dalka Masar.
Masuulkaan Kenyaanka ah wuxuu soo jeediyay in soomaalida fursad loo siiyo in ay isbeddel ka sameyso Nairobi iyo magaalooyinka kale ee kenya.
“hadii aysan jirin cid kale oo horumarka sameyn karta waa in fursad la siiyo soomaalida iyadoo aan wax cabasho ah laga muujin”ayuu yiri mar kale Masuulkaan Kenyaanka ah.
Dhanka kale wuxuu shaaciyay in Soomaalidu Madaxweyne ka noqonayaan kenya mustaqbalka.
“waxaa la joogaa xiligii ay Soomaalida dalka madaxweyne ka noqon lahaayeen”ayuu yiri Francis Atwoli
“markii iigu horreysay shalay ayaan booqday Islii, waxan rabaa in aan u mahadceliyo bulshada Soomaalida ee xaafadda Islii,marka aad joogto Islii, gaar ahaan suuqa laga adeegto, waxaad mooddaa in aad joogto magaalada Qaahira ee dalka Masar,” ayuu mar kale yiri Atwoli
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM