Xildhibaan Fowziya Yuusuf Xaaji Aadan oo dhawaan baraha bulshada ku soo gudbisay in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Ra’iisulwasaare Xamze Cabdi-Barre ay si cad uga hor istaageen musharaxnimadeeda Xilkii ay u sharaxneyd ee Midowga Afrika ayaa waxaa ka dhashay hadal heyn badan.

Fowziya oo hadal heyntaas ka jawaabeysay ayaa ka dhawaajisay arimo kale oo aan hore loo maqal sida inay wada shaqeeyaan Wasaaradaha Dowlada Somalia iyo Maamulka Somaliland

Advertisement

“shacabka runta looma sheego way iska war qabaan labnada dhinac oo waa wada shaqeeyaan gaar ahaan Wasaaradaha Xukuumada Somalia iyo maamulka Somaliland”ayay tiri Xildhibaanad Fowziya oo deegaan doorashadeedu yahay gobolada waqooyi ee Somalia gaar ahaan Somaliland.

Mar ay ka hadleysay mas’uuliyiinta Somaliland marka ay warbaahinta hor joogaaan ayay tilmaamtay inay shacabka Somaliland marin habaabiyaan oo ay aysan xaqiiqda u sheegin.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here