Feer-yahankii miisaanka cuslaa ee u dhashay dalka MareykankaĀ George Foreman ayaa geeriyooday kaasoo dunida magac ka sameeyay intii uu ku jirey ciyaaraha feerka.
George Foreman oo Ā 76 jir aha waxaa xaqiijiyay dhimashadiisa qoyska uu ka soo jeedo kuwaasoo baraha bulshada ku baahiyay .
Feeryahankaan wuxuu xiligiisii caan ku ahaa oo loo yaqaanay Big George , waxaana lagu xasuustaa inuu guulo waa weyn u soo hooyay Mareykanka , sanadkii 1968-kii wuxuu ku guuleystay laba jeer horyaalka Miisaanka culus.
Sidoo kale waxaa lagu xasuustaa inuu ku guuleystay horyaalkiisii uu ugu da’da weynaa taariikhda isagoo jira 45 ahaa.
Intii uu ciyaaraha ku jirey taariikhda waxaa mar ka adkaaday dhinciisa dhulka dhigay Maxamed Cali tartan waliba Afrika ka dhacay gaar ahaan dalka hada la dhaho Congo 1974.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM