HomeWarkiiFaysal Cali Waraabe oo shaaca ka qaaday in Alshabaab Bisha May qabsanayaan...

Faysal Cali Waraabe oo shaaca ka qaaday in Alshabaab Bisha May qabsanayaan Muqdisho

HARGEYSA (DAYNIILE.COM)-Gudoomiyaha Xisbiga UCID ee Maamulka Somaliland Faysal Cali Waraabe ayaa goor dhaw bartiisa Facebook soo geliyay war aad u taabtay Soomaalida islamarkaana qabsaday baraha bulshada.

Faysal oo ka hadlayay socdaalka Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi-Barre ku tagayo Magaalada Laas-caanood ayaa ka dhawaajiyay inaysan wax qiima lahayn socdaalkiisa madaama sida uu sheegay Alshabaab ay bisha May qabsanayaan.

Socdaalka Xamse ee Laas-caanood wax micno ah ma leh ,bisha May sanadkaan ayay Alshabaab la wareegayaan Muqdisho” ayuu yiri Siyaasi Faysal Cali Waraabe

Sidoo kale Xildhibaan Dhaashane oo ka tirsan Puntland oo ka hadlayay warka Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in meeshii lagu arko la soo xiri karo madaama uu taageeeray Alshabaab islamarkaana uusan lahayn wax xasaanad ah.

Bartamihii bishii hore ayay ahayd markii Faysal Cali Waraabe sidaan oo kale uu qoraal u soo geliyay bartiisa X isagoo Madaxweynaha Soomaaliya ku dhahaya waqtigaaga waa dhamaaday Alshabaab baa xamar kaabiga ku soo haya.

May be an image of 1 person and text

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -