QAHIRA (DAYNIILE.COM)- Sarkaal u dhashay dalka Mareykanka ayaa si hoose u sheegay in mar kale uu fashil ku yimid wada-xaajood laga dhex waday Israa’iil iyo Xamaas si dagaalka loo joojiyo oo ugu yaraan xabad-joojin loo gaaro.

Sarkaalkaan wuxuu xusay in shirkii Qaahira ka socday Khamiistii la soo dhaafay ilaa Axadii shalay lagu kala kacay xili xamaas ayna ka maqnayd walow Israa’iil ay ergooyin u fadhiyeen.

Advertisement

Shirka ka socday Qahira oo shalay la filayay in heshiis rasmi ah lagu gaaro ayaa shaqeyn waysay inkastoo sarkaalka ameerikaanku sii faah-faahin qodobada la isla fahmi waayay ee fashilka keenay iyo dhanka nabadu ka shaqeyn waysay intaba.

Sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AP shirka waxaa ku haray gudiyo heerkoou hooseeyo si ay wada-xaajoodka u sii wadaan madaama wada-hadaladii socday meel fiican wax la soo gaarsiiyay.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here