Kadib markii Dowladu shaacisay tar-koobka dadkii ku dhintay ama ku shahiiday weerarkii habeen ka hor ka dhacay xeebata Liido ayaa ka dhigan qasaarihii ugu badnaa ee tan iyo wixii ka danbeeyay qaraxii Zope-2.

Dowlada Somalia ayaa cadeysay in weerarkii Xeebta Liido ay ku dhinteen 37 ruux halka dhaawucuna yahay 247 ruux kuwaasoo 11 ka mida uu sheegay wasiirka caafimadka inay xaaladoodu liidato.

Advertisement

Qaraxii Zope 2 oo dhacay bishii Oktoar 2022 ayaa waxaa isna ku dhimatay 100 (boqol) ruux halka dhaawucuna gaaray 300 ruux, marka qaraxaasi laga yimaado kan liido ka dhacay habeen hore ayaa noqonaya kan ku soo xiga dhimashada.

Ra’iisulwasaare Xamze ayaa carabka ku adkeeyay in Dowladu qaaday talaabooyin dheeraaad ah marka la eego weerarka Liido,wuxuu xusay in xita saraakiil Dowlada ka tirsan loo xirey markii uu tuhun soo galay.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

May be an image of 14 people and headscarf

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here