Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xildhibaan Maxamed C/laahi Faraajo ayaa war ka soo saaray isku daygii dil ee shalay uu ka bad-baaday madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh.
War qoraala oo uu soo dhigay Farmaajo bartiisa facebook ayaa sidan u qornaa:-
Waxaan si adag u canbaaraynayaa qaraxii argagixiso ee afaafka hore ee Madaxtooyada laga galo lagula eegtay kolanyada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, laguna waxyeelleeyey nafta iyo maalka shacabka Soomaaliyeed.
Falkan argagixisada halista ku ah dowladnimada iyo jiritaanka ummadu ay gaysatay waa mid ka tarjumaya wejiga dhabta ah ee kooxaha arxanlaaweyaasha ah ee sida bahalnimada ah u caadaystay daadinta dhiigga sharfan ee shacabka Soomaaliyeed iyo burburinta hantidooda.
Tacsi murugo leh ayaan u dirayaa ehellada shacabkii aan waxba galabsan ee iyaga oo soomman ay argagixsadu ku laysay qaraxaas. Muwaadiniinta kale ee dhaawaca nafeed iyo burburka hantiyeed uu soo gaarayna waxaan Alle u weydiinayaa bogsiimo degdeg ah iyo beddel khayr qaba.
