HomeWarkiiFarmaajo oo Soomaalida ugu hambalyeeyay Ciidul-Fidriga

Farmaajo oo Soomaalida ugu hambalyeeyay Ciidul-Fidriga

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xildhibaan Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa bartiisa Facbook soo dhigay hamalyada ciidul fodriga waxayna u qorneyd sidan:-

CIID WANAAGSAN
Dhammaan umadda Soomaaliyeed waxaan ugu hambalyeynayaa munaasabadda Ciidda barakaysan ee Fidriga, anniga oo Alle ka baryaya in uu naga aqbalo acmaashii wanaagsanayd ee aynu gudannay bishii Ramadaan.
Munaasabaddan farxadda Ciidul Fidriga waxaan ku boorrinayaa muwaadin kasta in uu gacan ka geysto farxad gelinta dadkeenna tabaaleysan, ka shaqeynta danta guud oo amnigu ugu horreeyo, midnimada iyo wadajirka, kuwaas oo dhammaantood tiirar u ah waajibaadka diinta Islaamka.
Walaalayaal, waxaan idin xasuusinayaa in farxadda maalmahan barakaysan ee Ciidda aynu si gaar ah ugu istaagno farxad-gelinta ubadka ay inooga tageen halyeeyada Ciidamada Qalabka Sida ee u shahiiday difaaca iyo xoreynta dalka.
Ugu danbayntii, Eebbe waxaan ka baryayaa in uu ciiddan ciiddeeda nagu gaarsiiyo dalkeenna oo nabad iyo barwaaqo ah, kuna sii tallaabsada jidka horumar. Ciid wanaagsan.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -