HomeWarkiiFarmaajo oo si kulul uga hadlay geerida Gen.Sheegoow

Farmaajo oo si kulul uga hadlay geerida Gen.Sheegoow

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa goor dhaw war culus ka soo saaray geerida Gen.Sheegoow isagoona fariin culus u direy Madaxweyne Xassan.
Qoraalka Xildhibaan Farmaajo ayaa sidan u qornaa:-
Tacsida iyo murugada waxaan la qeybsanayaa qoyska, ehelada iyo Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed oo uu ka geeriyooday, Alle ha u naxariisto, Marxuum Sheegow Axmed Cali oo ka mid ahaa Saraakiisha Ciidamada Xoogga Dalka.
Madaxweynaha Jamhuuriyada waxaan ugu baaqaynaa in uu tixgeliyo cabashada qoyska Sarkaalka geeriyooday iyo ehelada dhallinyarada maxaabiista ah ee wehelinaysay, sidoo kale waxaa muhiim ah in la sameeyo baaritaan deg deg ah oo ku saabsan duruufaha uu u geeriyooday Marxuumku.
Alle waxaan uga baryayaa Sarkaalka in uu ku mannaysto Jannatu Firdowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa iyo qarankiisa.
-DHAMMAAD-May be an image of text
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -