Madaxweynihii hore ahna Xildhibaan sharafeed Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa qoraal uu beyjkiisa soo dhigay wuxuu guul kaga sheegtay inuu isagu soo bilaabay qorshaha in Somalia xubin ka noqoto Golaha Amaanka QM.
Qoraalka Farmaajo ayaa sidan u qornaa:-
Shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed waxaan ugu hambalyaynayaa in dalkeennu uu maanta ku guulaystay xubinta aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ee sannadaha 2025-2026-ka, taas oo ku timi dadaalladii diblomaasiyadeed ee aannu soo bilowney sannadkii 2018-kii, maantana uu guul taariikhi ah dalkeennu ka gaaray.
Qaranka Soomaaliyeed oo ku guulaystay Kursigan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo ay inoogu danbaysay sannadkii 1972-kii, waxa ay dalkeenna u tahay sumcad iyo guul taariikhi ah, taas oo noo muuqatay markii aannu bilaabaynay himiladan.
Hadaf kasta oo qaran oo lagu raadiyo wadajir, loogana shaqeeyo si daacadnimo iyo waddaniyad leh, waxaa xaqiiq ah inuu miro dhal noqonayo, waana tan laga rabo in hoggaan kasta oo Soomaaliyeed uu ku shaqeeyo.
Hambalyo Shacabka Soomaaliyeed
May be an image of text
No photo description available.
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here