Siyaasi Cali-Yarre Cali ayaa qoraal uu soo dhigay baraha bulshada wuxuu si weyn dhaliil ugu soo jeediyay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo isagoona qoraalkiisa ku sheegay inuu wadaniyada si qaldan u fahmay.

Siyaasigaan oo Gudoomiye ku xigeen ka soo noqday Maamulka Gobolka Banaadirxiligii  Dowladii hore ee Farmaajo ayaa ku eedeeyay Madaxweynihii hore in qoraalkiisii shalay uu kaga tacsiyeeyay ciidamadii qaranka ee lagu laayay deegaan hoos taga Magaalada Ceel-Baraf balse uusan soo hadal qaadin dhacdo kale oo isla asbuucaan ciidamada qaranka lagu laayay Magaalada Dooloow.

Advertisement

Hadaba qoraalka Cali Yare uu ku dhaliilay Madaxweynihii hore ee Xildibaan Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa sidan u qornaa:-

Madaxweyne hore, Xildhibaan Farmaajo oo warka ka soo saaray ciidankii lagu laayay Ceel-Baraf ayaa intaan yiri balse madaxweynuhu sooma hadalqaadin ciidamadii soomaaliyeed ee asbuucaan xabashidu ku xasuuqday degmada Dooloow iyo horayna sidoo kale tacsi ugama dirin markii December 2020 deegaanka Cagfaroge lagu laayay saraakiishii u socotay Balanbale.
Madaxweynuhu malaha wuxuu si qaldan u fahmay macnaha “wadanninnimo” oo uu is yiri waxaa wadani la noqdaa oo kali ah markaad reerkaaga ka fogaato, haseyeeshee cadaaladda iyo isku-kalsoonaantu waa inaad reerkaaga ka hor-imaan karto markii ay qaldanyihiin, sidoo kale aad ku dhiirran karto garab-istaaggooda markii laga qaldanyahay.
Wadani qabyaaladda neceb, bulshadana u caddaalad fala ayaad noqon kartaa adiga oo dadkaaga iyo deegaankaaga wata.
انصر أخاك ظالما او مظلوما.
May be an image of 5 people and text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here