HomeWarkiiFarmaajo muxuu ka yiri gogosha uu fidiyay Madaxweyne Xassan

Farmaajo muxuu ka yiri gogosha uu fidiyay Madaxweyne Xassan

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa warsaxaafadeed ka soo saaray baaqii Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ee ahaa inuu gogol u dhigaayo siyaasiyiinta ka aragtida duwan.

Xildhibaan Farmaajo oo aad u soo dhaweeyay baaqa Madaxweyne Xassan ayaa warsaxaafadeedkiisu sidan u qornaa:-

Baaqa ku saabsan qabsoomidda shir wadatashi qaran ah ee uu soo jeediyey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waa tallaabo loo baahan yahay oo qeyb ka noqon karta xal u helidda duruufaha siyaasadeed iyo khataraha amni ee ku gadaaman dalkeenna.

Sida aan marar badan soo jeedinnay, arrimaha masiiriga ah ee taabanaya aayaha dalka iyo nidaamka dowladnimada waa masuuliyad wadareed u baahan wadatashi iyo wada-ogolaansho, sidaas awgeed waxaan adkaynaynaa in shirkan ay isugu yimaadaan dhammaan dhinacyada ay khusayso heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxaan ku dhiirrigelinaynaa in uu ficil u beddelo baaqa, kana dhabeeyo gogosha uu fidiyey, isagoo abuuraya jawi siyaasadeed oo ku dhisan kalsooni, wadashaqeyn iyo ilaalinta dastuurka lagu doortay, iyada oo meesha laga saarayo tallaabo kasta oo hal dhinac ah oo wax u dhimaya midnimada dalka iyo hannaanka dowladnimo ee heshiiska lagu yahay.
Annagoo adkaynayna waajibka qaran ee inaga saaran Ciidamada Qalabka Sida ee naftooda u huraya difaaca dalka iyo ilaalinta sharafta shacabkeenna Soomaaliyeed, waxaan soo jeedinaynaa in shirkan uu fursad u noqdo garab istaagga iyo sidii taageero buuxda loo siin lahaa Ciidanka Qalabka Sida ee Soomaaliyeed, iyada oo la qiimeynayo duruufaha ay wajaheen inta ay ku jireen howlgallada, taas oo aas-aas u ah in ay awood buuxda u yeeshaan xoreynta deegaannada ku harsan gacanta argagixisada.
May be an image of text
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -