Ra’iisulwasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ka hadlay xaalada cakiran iyo xiisada u dhexeysa Somalia iyo Itoobiya.

Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa fariintiisa si weyn ugu soo hadal qaaday habka kaliya ee Itoobiya la isaga difaaci karo madaama ay duulaan ku soo tahay Soomaaliya.

Advertisement

Qoraalka Ra’iisulwasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo inta badan ka digay inaan Somaalida la iska horkeenin oo midnimo lagu wajaho difaaca Itoobiya ayaa sidan u qornaa:-

Dalkeennu wuxuu wajahayaa duullaan shisheeye oo ay ku soo qaadday Itoobiya, waxaana uga gudbi karnaa dhiifooni, isku-duubni, iyo midnimo, iyo in aan ka foggaanno wax waliba oo dhaawici kara wadajirka bulshadeenna.

Koonfur Galbeed iyo deegaannada kale ee Soomaaliyeed ee ay maanta joogaan ciidamada shisheeye kuma imaan jaceyl loo qabo ee waxaa keentay duruufta amni ee dalka ka jirta, Dowladda Federaalkuna waa in ay masuuliyad gaar ah iska saartaa sidii ay u dabooli lahayd baahidaas amni, xaqiiqadaas qaraarna lagu wajaho caqli saliim ah, si looga maarmo ciidan shisheeye.

Dariiqa maanta dalka looga badbaadinayo duullaanka Itoobiya nagama xigo dhanka qabyaaladda, kala-qeybinta bulshada, iyo in Dalka iyo Dowladnimada laga xigsado reer Koonfur Galbeed.
Waxaan ka digayaa hadallada xanafta, dhiillada, iyo qabyaaladda xambaarsan ee warbaahinta la isu marinayo, oo abuuraya khilaaf hor leh, siina kala dhantaalaya midnima ummaddeenna.

Waxaan madaxda Dalka ugu baaqayaa in ay la yimaadaan aragti Qaran, waaqici ah, jiheyn karta bulshada, mideyn karta cududda iyo caqliga dadka Soomaaliyeed, mudnaanna siiyaan danta guud, kana fogaadaan wax walba oo kala qeybin kara midnimada dalkeenna iyo wadajirka bulshada Soomaaliyeed.
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here