GOMA (DAYNIILE.COM)-Fannaan caan ka ahaa dalka Dr Congo ayaa lagu dilay magaalada Goma oo dhawaan ay qasbsadeen kooxda Dowlada ku kacsan ee M23,waxaana magaciisa lagu sheegay Delphin Katembo Vinywasiki, inkastoo sidoo kalana loo yaqaan Delcat Idengo.
Fannaanka ayaa la sheegay in la dilay isagoo markaas duubanayay hees cusub oo uu rabay dhawaan inay soo baxdo,kooxda M23 ee Dowlada dalkaasi Congo dagaalka kula jirta ayaa loo maleynayaa inay dilka ka danbeeyaan madaama magaalada Goma ay iyagu heystaan.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in Fannaanka uu dhawaan soo saaray hees uu ku cambaareynayo qabsashada fallaagada ee magaalada Goma waana mida keentay shakiga laga qabo inay dileen kooxdaasi.
Meydka Delphin Katembo Vinywasiki ayaa khamiistii laga helay waddo isagoo madaxiisa qayb ka mid ah uu dhiig ka daatay.
Idengo, oo dhaleeceeyay dhammaan dhinacyada isku haya dalka Congo, ayaa ka mid ahaa boqollaal maxaabiis ah oo ka baxsaday xabsi ku yaalla magaalada Goma, kaddib markii ay malleeshiyada qabsadeen magaalada bishii hore.
Dhanka kale dilkaani Ma cadda cidda ka dambeysay balse Masuuliyiin Dowlada u hadlay waxay sheegeen inay sharciga hor keeni doonaan kooxaha ka danbeeya dilkiisa.
Af-hayeenka dowladda Congo Patrick Muyaya ayaa ka hadlay dilkaani wuxuuna ku tilmaamay dilka fannaankaani mid fal fool xun,isagoona si toos ah ugu eedeeyay kooxda M23 inay ka danbeeyaan dilkaasi.
Fallkan ayaa ku soo aadaya iyadoo ay sii kordheyso xiisadda ka taagan deegaankaas kadib markii kooxda M23 ee ay Ruwanda taageerto ay qabsadeen magaalada Goma, iyadoo dagaalkan uu sii xoogeystay dhamaadkii bishii Janaayo.
Ku dhawaad 2,900 oo qof ayaa lagu dilay ilaa 700,000 oo kalena waa laga saaray guryahoodii dagaaladii ugu dambeeyay, sida lagu sheegay warbixintii ugu dambeysay ee Qaramada Midoobay.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM