Inkastoo xiligii doorashada uusan dhaweyn hadana waxaad moodaa siyaasiyiinta mucaaradka ah ee xukun doonka ah qaarkood inay hada bilaabeen kulamo siyaasadeed iyo soo jiidashada saaxiibo badan.

Fahad_Yaasiin iyo Farmaajo oo saaxiibo ah islamarkaana hogaaminayay Dowladii hore ayaa wada ol-ole ay ugu diyaar garoobayaan doorashooyinka soo socda iyo soo jiidashada ama kasbashada siyaasiyiinta iyo aqoon-yahanada ay garabka ka rabaan.

Advertisement

Dhawaan shirkii qurba joogta ee lagu soo afjaray Magaalada Dooxa waxaa lagu arkay Farmaajo oo kulamo gaar gaar ah la qaadanaya siyaasiyiin iyo aqoonyahano shirkaasi ka qeybgalay kuwaasoo ku kacsan Dowlada Somalia.

Sidoo kale waxaa maanta soo shaac baxay kulan kale oo maanta dhex-maray Fahad-yaasiin iyo Aqoonyahan Maxamed Xaaji Ingiriis ah oo mudo ka soo horjeeday Farmaajo balse hada u muuqda inuusan ku qanacsaneyn siyaasada Madaxweyne Xasan Sheekh.

Sawiro laga soo qaaday labada masuul ayaa muujinaya inay kulankooda ku faraxsan yihiin inkastoo aysan wax tafaasiil dheeraad ah bixin marka laga reebo muujinta kulankooda iyo sawirada lagu baahiyay baraha bulshada.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM 

May be an image of 2 people

May be an image of 1 person, beard and glasses

May be an image of 2 people, dais, newsroom and text

May be an image of 2 people and dais

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here