Agaasimihii hore ee Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya Fahad Yaasin ayaa baraha bulshada ku faafiyay  war uu uga hadlayay dagaalkii dhawaan Raaskanbooni ku dhex-maray Dowlada iyo Maamulka Jubaland kaasoo ciidamada Dowlada lagu jabiyay.

Dagaalkaasi ayaa keenay fadeexad soo wajahday ciidamadii Dowlada ee diyaaradaha lagu geeyay Raaskanbooni kadib markii qaarna iska dhiibeen xuduuda Kenya halka qaar kalana ay qabteen ciidamada Maamulka Jubaland.

Advertisement

Fahad Yaasiin ayaa  afar la yaab ku macneeyay dhacadooyinkii dagaalkaasi ka dhashay isagoona si gaar ahna ugu eedeeyay Madaxda sare ee Dowlada Somalia inay ka gaabiyeen la xisaabtan la’aata Axmed Madoobe xili ay dhacdo caadi ah ka soo qaadeen talaabadii Axmed Madoobe oo Fahad Yaasiin uu ku tilmaamay mid ka mida danbiyada laga galo ciidamada qaranka madamaa xabad lagu riday sidoo kalana maxaabiis lagu tilmaamay.

Fahad Yaasiin wuxuu wax lala yaabo ku tilmaamay in qo masuul ka ah maamul Goboleed uu ku faano inuu xabad ku riday ciidamada qaranka taasoo ka mid ah danbiyada ugu waa weyn ee qaran laga galo,taliyihii hore ee nabad sugida qaranka Fahad Yaasiin wuxuu ku tilmaamay kuwo mahadho taariikhda ku hari doonta talaabooyinka uu qaaday Axmed madoobe.

Sidoo kale qodobada uu la yaabka ku tilmaamay Fahad Yaasiin waxaa ka mid ah ciidamada Dowlada dagaalkii Raaskanbooni ay iusgu darsomeen dayac nololeed, saanad yaraan iyo caqiido hoosayn iyagoo qaarkood kala garan waayeen labada dhinac midka mudan inuu u dhinto.

Ugu dambeyn Fahad Yaasiin wuxuu ka hadlay doorka Dowlada Kenya marka la eego xiisada u dhexeysay Dowlada Somalia iyo Maamulka Jubaland isagoona xusay in Madaxweyne Ruto uu qaatay door ah inuu arimaha Somalia kala macaamilo Dowlada isagoo wax ka badalay siyaasadii Madaxweynihii hore ee Uhuru Kenyatta inkastoo dhacdadii Raakanbooni Kenyaanka ay wax ka eegi karaan dhanka amniga xuduudaha.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here